COVID-19
- COVID-19 Home
- Situation Update
- About COVID-19
- Testing
- Vaccine
- Protect Yourself & Others
- Medications
- Materials & Resources
- Stories of Community Outreach & Partnership
- Contact Us: COVID-19 Questions
Information for
- Health Care
- Prisons, Detention Centers, & Homeless Service Sites
- Schools & Child Care
- Institutions of Higher Education
Related Topics
Contact Info
Baaritaanka Bulshada ee COVID-19
Waxaa la cusboonaysiiyey 8/14/2024
Dalbo bilaash tijaabooyinka degdega ah ee guriga COVID-19: www.covidtests.gov
- Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo sidii aad u dalban lahayd imtixaanada gurigaag, wac khadka telefoonka dadweynaha ee MDH COVID-19 1-833-431-2053.
- Caymiska caafimaadka loogama baahna inuu dalbado baaritaanada guriga ee bilaashka ah.
Cid kasta ayaa heli karta
- Qof kasta oo ku nool Minnesota ayaa looga baari karaa COVID-19 xarunta iskaashadaha baaritaanka bulshada.
- Baaritaanka ayaad helaysaa balan ama balan la'aan labadaba.
- Turjumaannada ayaa la heli karaa (si toos ah ama taleefanka) si ay kaaga caawiyaan luuqadaada.
- Qaar kamid ah xarumaha baaritaanka ayaa leh Iskuduweyaasha Bulshada ee COVID-19 si ay kaaga caawiyaan inaad fahanto hanaanka baaritaanka. Waxaad la xiriiri kartaa Iskuduwaha Bulshada ee COVID-19 (CCC) xiliga aad doonto si aad u hesho caawimaada baaritaanka.
Waxaad sidoo kale adeegsan kartaa nidamaka Xakameynta iyo Kahortaga Cudurada (Centers for Disease Control and Prevention) ee Raadi Baaritaanka COVID-19 ee Bilaashka ah si aad u hesho baaritaan kuu dhow.
Baaritaannadu waa lacag la'aan, caymis looma baahna
Dhammaan qarashaadka baaritaanka ee xarumahaan baaritaanka bulshada waxaa bixinaaya shirkadaada caymiska ama dawlada federaalka ah ama tan gobalka. Mana jiro qarash lagaa qaadaayo.
- Haddii aad haysato caymis caafimaad, waxaa lagaa codsan doonaa xogtaada caymiska caafimaadka si shirkadaada caymisku u bixiso qarashka.
- Haddii aadan haysan caymis caafimaad ama caymiskaagu uusan dhiibayn qarashka oo dhan, lacagta ayaa lagaa dhiibayaa adigana lagaama rabo wax qarash ah.
- Ha siin shirkadaada caymiska ama bixiyaha baaritaanka wax lacag ah oo ku aadan baaritaanka COVID-19.
Baaritaannada la bixiyo
Xarumaha baaritaanka bulshada ayaa bixiya baaritaannada calyada ee Polymerase Chain Reaction (PCR), baaritaannada dheecaanka ee guriga la iskaga soo qaado (sidoo kale la yiraahdo "baaritaannada qofku iska qaado"), ama labadaba. Haddii aan baaritaanadaas kugu haboonayn, la xiriir dhakhtarkaaga si uu kuu siiyo dookhyo kale.
- Baaritaanka ugu saxan.
- Natiijooyinka togan iyo kuwa taban waa kuwo la isku halayn karo. Uma baahnid inaad ku celiso baaritaanka.
- Natiijooyinka ayaa qaadan kara dhawr maalmood sabab la xiriirta in baaritaannada qasab tahay in loo diro shaybaadh.
- Waa baaritaan aan boqolkiiba boqol ahayn, gaar ahaana haddii aadan lahayn wax astaamo ah.
- Natiijooyinka lagaaga helo waa la isku halayn karaa. Haddii lagaa helo caabuqa, uma baahnid in markale lagu baaro.
- Haddii lagaaga caawiyo caabuqa, waxaa lagu talinayaa inaad ku celiso baaritaanka, wakhtiga ku haboon, si loo xaqiijiyo in aadan qabin COVID-19. La xiriir Iskuduwaha Bulshada ee COVID-19 (CCC) si laguu caawiyo.
Tallada: Waydii CCC-gaaga si aad u hubiso haddii ay hayaan baaritaannada degdega ah ee antigen oo aad soo qaadan karto.
Marka aad isbaarayso
- Inaad isbaarto wakhtiga saxda ah ayaa kaa caawinaysa:
- Inaad iska ilaaliso ku faafinta COVID-19 dadka kula nool.
- Inaad ogaato haddii aad u baahan tahay daawooyinka COVID-19.
- In aad u go'aansato inaad qof kale wakhti la qaadato kaasoo khatar sare ugu jira Inuu aad ugu xanuunsado COVID-19.
- Haddii aad qabto calaamado, isla markaba isbaar.
Goorma ayay tahay in la i baaro? Astaamaha (YouTube)
Goorma ayay tahay in la i baaro? Astaamaha (Qoraalka) - Marka aad la joogtay qof laga yaabo inuu qabo COVID-19, isbaar shan maalmood oo buuxa kadib marka aad la joogtay qofka.
Goormaa habboon in aad iska baartid COVID-19? U dhawaansho (YouTube)
Goormaa habboon in aad iska baartid COVID-19? U dhawaansho (Qoraalka)
Xog dheeraad ah
- Ku Saabsan KOFID-19
- Webseedka Muuqaallada Gurmadka COVID-19 ayaad ka helaysaa muuqaallo ku saabsan mawduucyada COVID-19 sida badqabka talaalka iyo sida aad u xiranayso maaskarada. Kuwo badan ayaa lagu bixiyaa luuqado badan.
- COVID-19: Difaac Naftaada iyo dadka kale
Goobaha
Baaritaanka Bulshada ee COVID-19: Goobaha (webseed ku baqaaya af Ingiriis) ayaad ka helaysaa xog ku saabsan ururada bixiya baaritaannada COVID-19 oo la siiyo qof kasta oo ku nool Minnesota. Raadi magaallada kuugu dhow. Xarumaha baaritaanka si toos ah uma maamusho Waaxda Caafimaadka Minnesota (Minnesota Department of Health). Fadlan la xiriir xarunta kahor inta aadan booqan si aad u xaqiijiso wakhtiyada ay baxshaan baaritaanka.
Si lagaaga caawiyo helitaanka goobta baaritaanka, aad u ogaato waxa aad samaynayso marka aad xanuunsan tahay, ama su'aalaha kale ee COVID-19, wac laynka dadwaynaha ee MDH: 1-833-431-2053.