Materials and Resources: COVID-19
- Materials & Resources Home
- Resources to Find Low-Cost Health Care
- Videos
- ASL Videos
- About COVID-19
- Hais Txog COVID-19 (Hmong)
- Ku Saabsan COVID-19 (Somali)
- Acerca del COVID-19 (Spanish)
Related Topics
Contact Info
Ku Saabsan COVID-19
- COVID-19 waa cudur uu sababay caabuqa kaas oo si fudud dadka ay isugu gudbiyaan.
- Waxaa sababa caabuq aan dadka lagu arag ka hor 2019-kii.
- COVID-19 wuxuu wax yeelaayaa sank aiyo dhuunta mararka qaarna wuxuu wax yeeleyn karaa sambabka, taas oo keenaysa in ay adkaato in si caadi ah aad u neefsato.
- Qaadashada tallaalka COVID-19 waa habka ugu fiican oo aad naftaada uga ilaalin kartid cudurkaan.
Astaamaha
- Astaamaha COVID-19 waxaa ka mid ah qandho, qufac, neefta oo yaraata, qaboow, madax xanuun, murqo xanuun, caloosha oo is taagta ama san-dareer, cune xanuun, daal, cunto xumi ama urka oo kaa taga. Astaamaha kale oo aan sidaa u badneyd waxaa ka mid ah astaamaha caloosha sida lalabo, matag ama shuban.
- Astaamahaan waxaa laga yaabaa inaad aragto 2-14 maalmood kadib markii aad qaadid fayruuska sababa COVID-19.
- Qof kasta oo u uku dhaco COVID-19 lagama helo dhammaan astaamhaaan, dadka qaarkoodna astaamaha iskuma arkaan.
- Xattaa kadib kolkaad ka buskooto COVID-19, dadka qaar waxaa laga yaabaa in ay leeyihiin astaamo waqti dheer socda sida daal, qufac ama kalagoysyada oo ku xanuuna. Hoos ka eeg macluumaadka la xidhiidha saameynta caafimaadka health effects.
- Is baar haddii aad astaamaha leedahay. La hadal dhakhtarkaaga haddii aad qabto su’aalo ama walaac ku saabsan astaamaha.
Sida uu ku faafo
Seddex qaab ayuu ku faafaa COVID-19:
- Haddii aad ka ag-dhawdahay qof qaba COVID-19, waxaad u neefta u qaadanaysaa sidooda oo kale. Kolka ay neefta dibada usoo saaraan, jeermis aad u yar ayay hawada ku soo daynayaan. Haddaba kolka aad neefta qaadato, waxaa jirkaaga galaya jeermiska COVID-19.
- Kolka qof qaba COVID-19 uu qufaco ama uu hindhiso, jeermiska koronofayruska wuxuu kaa haleeli karaa indhaha, sanka ama afka oo jirkaaga ayuu gudaha u geli karaa.
- Kolka gacamahaaga ay leeyihiin jeermika koronofayruuka oo aad taabato afkaaaga, sanka, wajiga ama indhaha, jeermiska ayaa jirkaaga geli kara. Waa muhiim in aad gacmaha iska dhaqdo ka hor intaadan taaban sanka, afka wajiga ama indhaha xattaa haddii ay u muuqdaan in ay nadiif yihiin. .
Dadka qaba COVID-19 waxay cudurka qaadsiin karaan dadka kale ka hor inta aysan isku arag astaamaha ama ay xanuun dareemaan. Sidoo kale qofka wuxuu faafin karaa cudurka xattaa haddii aysan astamaaha laheyn.
Ka hortag iyo Daaweyn
- Is tallaal oo cusboonaysii tallaalka si aad u hesho difaaca ugu fiican. Dadka jira 6 bilood ama wixii ka weyn waxaa habboon in ay qaataan tallaalka ugu yaraan hal tallaal oo COVID-19 ah kaas oo la cusboonaysiiyey.
- Haddii aad u dhawaato qof qaba COVID-19, xiro maaskaro 10 maalmood kadib kolkaad u dhawaatid. Wax kabaro xirashada maaskarada, is baarida iyo taxadarka lagu taliyey adiga oo daawanaya muuqaalo, sidoo kalana aqrinaya qoraalo ku qoran qeybta hoose ee boggaan.
- Is baar. Waa muhiim in aad is baartid haddii aad isku aragtay astaamaha ama aad u dhawayd ruux qaba COVID-19.
- Iska ilaali taabashada dadka la xanuunsan ama qaba COVID-19.
- Guriga joog haddii aad xanuunsantahay. Haddii aad leedahay astaamaha COVID-19 ama natiijada ay sheegayso in aad qaaday cudurkaan, guriga joog dadka kalana ka fogoow (is karantiil).
- Haddii ay natiijada baarista sheegtay in aad cudurka qabto ama halis aad ku sugantahay in aad la xanuunsato, si dhakhsa ah dhakhtar ula xidhiidh si aad u ogaato in aad u baahantahay daawo. Dadka khatarta ugu sugan cudurkaan waxaa ka mid ah dadka uurka leh, sonkoroowga qaba, ama 65 sano ka weyn.
- Xidho maaskaro si fiican kuu le eg oo tayo leh kolka laguugula taliyo ama aad u baahato. Sidoo kale waad xiran kartaa maaskaro markaan ku dareemayso ammaan.
- U hagaaji nidaamka hawada ee gudaha sida ugu macquulsan, waxaana ka mid ah in aad furto daaqadaha iyo albaabada.
- Gacmaha iska dhaq.
- Dhaq oo jeermiska ka nadiifi meelaha dusha sare ah kolka lagu taliyo.
Haddii aad qabto su’aalo ama aad caawitaan u baahato si aad u ogaato waxaad samayso, fadlan la xidhiidh dhakhtar ama xiriiriyaha bulshada ee COVID-19 . COVID-19 Community Coordinator ee loo soo gaabiyo (CCC) si dhakhsa ah. Xiriiriyasha bulshada waa dad ku caawin karo oo ku hadla luuqadaada si aad u hesho adeegga aad u baahantahay.
Saameynta Caafimaadka
- Fayruuska sababa COVID-19 si yaabo kala duwan ayuu dadka u waxyeeleeyaa. Dadka qaar aad ayey oola xanuunsan karaan cudurkaan, halka dadka badankood ay dareemaan astaamo khafiif ah ama meel dhexaad ah wayna ka raystaan cudurka iyaga oo aan isbitaal tagin. Dadka qaar astaamo iskuma arkaan. Dadka qaar way u dhintaan.
- Saameynta caafimaad ee waqiga dheeer wali lama garanayo laakiin waxaa jira waxyeelo uu u gaysan karo wadanaha, sambabada ama unugyada kale ee jirka. Arrintaani waxay ku dhici kartaa dadka qaba cudurada halista ah iyo kuwa uu sahlan yahay xanuunkooda.
- Afar toddobaad iyo wixii ka badan dadka la xanuunsan fayruuska COVID-19 waxaa loo yaqaan “COVID-KA waqtiga dheer”. Dhibaatooyinkaaan waxay isugu jiraan xanuuno sahlan iyo kuwo aad u daran, dadka qaarna waxay ka dhigi karaan curyaan.
- Dadka waaweyn, kuwa uurka leh iyo dadka da’ kasta jira oo qaba xanuuno halis ah sida sonkoroow ama neef waxay khatar ugu jiri karaan in ay aad ula xanuunsadaan COVID-19.
- COVID-19 wuxuu caruurta ku keeni karaa dhibaatooyin caafimaad. Baaritaan badan ayaa loo baahanyahay si loo fahmo sida fayruuska uu u sababi karo xanuuno waqtiga dhow iyo kan dheer dadka wax yeeleeya.
- COVID-19 wuxuu sababi karaa in aad isku buuqdid kolka dadka ay shaqada aadi kari waayaan, ayna tahay in ay isbitaalka ay aadaan ama qoysaskooda iyo saaxiibadood ay ka fogaadaan. Isku buuqaan wuxuu keeni karaa dhibaatooyin kale oo caafimaad wuxuuna saameyn karaa fayoow qabka qofka.
Caafimaadka Dhimirka iyo Fayoow qabka
Macluumaadka waxaa ka mid ah taageerada fayoow qabka iyo caafimaadka dhimirka inta lagu gudo jiro COVID-19. Haddii qof aad tagaanid ay dhibaato haysato, adeegso Khadka Qoraalka ee loogu talagalay dadka dhibaatoonaya ee MN qoraalna u dir lambarkaan 741741.
COVID-19 Nooca Cusub
- Noocyada cusub ee cudurkaan wuxuu caan ku yahay fayruuska sababa COVID-19. Fayruusyada si joogta ah ayey isku bed-bedelaan (asaga oo is bedelaya). Kolka fayruus uu is bedelo waxaa loogu yeeraa “variant” oo macnaheedu yahay nooc cusub oo ka mid ah kii asalka ahaa. Noocyada cusub ee fayruusyada waxaa la filan karaa in ay dhacaan waqti kadib.
- Xogta waxay sheegayaa in qaar ka mid ah noocyada cusub ay si fudud ku faafaan waxayna noqon karaan kuwa ka faafitaan badan kii asalka ahaa.
Sida tallaalka uu kuu caawin karo
- Tallaalada waxay yareeyaan khatarta ah in aad si daran ula xanuunsatid cudurkaan, isbitaal u gashid ama u dhimatid COVID-19. Taas waa sababta ay muhiim u tahay dadka u qalma dhammaantood in ay is tallaalaan.
- Tallaalka wuxuu hoos u dhigaa faafitaanka fayruuska wuxuuna sababaa in uusan nooc cusub isku badalin.
- Waa muhiim in qof kasta oo jira 6 bilood iyo wixii ka weyn in ay cusboonaysiistaan tallaaladooda COVID-19.
COVID-19 in uu mar kale kugu dhaco
- Haddii aad COVID-19 qaaday seddexdii bilood oo u dambaysay, weli waxaa laga yaabaa in aad leedahay difaaca fayruuska. Haddaba, fursadaada in uu mar kale kugu dhaco COVID-19 way badantahay waqtiga mar kasta uu sii socda, khaasatan nooca cusub oo ay dadka iska qaadaan. Nooca cusub ee fayruuska sababa COVID-19 waxaa laga yaabaa in uu ka duwanyahay fayruuskii kolkii hore kugu dhacay, sidoo kale difaacaaga dabiiciga ahna waxaa laga yaabaa in uu kaa ilaalin waayo nooca cusub.
- Qaabka ugu fiican oo aad naftaada u difaacayso waa in aad is tallaashid. Kuma qasbanid in aad sugto seddex bilood kadib markii aad ka roonaatid COVID-19 in aad is tallaashid.
- Baarista waxay na tusaysaa in dadka uu tallaalkooda u dhamaystiranyahay in ay difaac fiican ka yeeshaan COVID-19 marka la bar-bardhigo dadka aysan u dhamystirneyn tallaalkooda kuwaas uu horay ugu dhacay COVID-19.
Wax dheeri ah baro
Ka hel macluumaadka ugu dambeeya ee COVID-19 shabakadahaan:
- COVID-19: Difaac Naftaada iyo dadka kale
- Baaritaanka Bulshada ee COVID-19
- Waji-xirka: COVID-19
- Cudurka Koronafayras gudaha Minnesota
English website - Xarumaha Xakameynta iyo Ka Hortagga Cudurka ee Koronafayraska Cusub ee 2019
English website
Talaalka
- Talaalka COVID-19 Aasaasiyaadka (PDF)
- Sida aad u qabanayso cunugaaga marka la talaalaayo (PDF)
- Tallaalka COVID-19 Ee Loogu Talagalay Dhalinyarada Baahiyaha Gaarka ah Leh ama Naafada ah (PDF)
- Tallaalada COVID-19 iyo Uurka (PDF)
- Sida Daawooyinka Tallaalka COVID-19 Loo Sameeyay (PDF)
Ka ilaali ilmahaaga COVID-19 (PDF)
Talaallada COVID-19: Waxa ay tahay inay ogaadaan kuraydu (PDF)
Qoraalka Su`aalaha Inta badan la Isweydiiyo ee ku Saabsan Sida Talaallada COVID-19 loo Sameeyo (PDF)
Waa maxay cirbadaha Xoojinta waxtarka talaalka COVID-19? Qoraalka (PDF)
Wixii macluumaadka halkan ka daabaco (print materials)
Daawooyinka COVID-19:Daawooyinka kahortagga fayraska (PDF) | |
Kahortag fiditaanka noocyada COVID-19 waqtiga safarka (PDF) |
- Ilaha laga Helo Daryeel Caafimaad Qiime-Jaban leh ama laga Helo Caymis Caafimaad (PDF)
- Noqo Ka-Hortage Jermis Gacmaha Iska Dhaq (PDF)
- Postarka ama bostarka: Dabool Afkaaga marka aad Qufaceyso (PDF)
- Warqad faafahinta macluumaadka: Dabool Afkaaga marka aad Qufaceyso (PDF)
Goormaa habboon in aad iska baartid COVID-19? Astaamaha (PDF)
Goormaa habboon in aad iska baartid COVID-19? U dhawaansho (PDF)
Waxa Ay Tahay in La Sameeyo Ama Aan La Samayn Maaskaraha COVID-19 ee Ardayda (PDF)
Qoraalka Waxa ay tahay Inaad Samayso Haddii aad Jirato - Loogu Talagalay Ardayda (PDF)
In Guriga lagu Daaweeyo Astaamaha COVID-19 (PDF)